Iyadoo natiijada Doorashada dalka Kenya ay iska soo daba dhaceyso ayaa waxaa arrimaha cusub ka mida haweeneydii ugu horeysay ee laga doortay Waqooyi Bari iyo Arday noqday xildhibaan.
John Paul Mwirigi oo ah 23 sano jir ah, isla markaana dhigta Kulliyadda WaxbarashadaJ aamacadda Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashada kursi Xildhibaannimo ee degaanka Igembe South.
John ayaa helay 18,867 cod, isagoo ka adkaaday musharraxa Xisbiga Jubilee Rufus Miriti oo isna helay 15,411 cod. Ardaygan ayaa la sheegay inuusan olole doorasho ah sameynin, isagoo aan awoodin qarashka ololaha doorashada, laakiin wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag, wuxuuna lugtiisa ku tegay guri kasta si uu cod uga helo.
Dhinaca kale taariikh kale waxaa dhigtay Safiya Cabdi Nuur ayaa noqotay haweenaydii ugu horraysay oo kasoo jeeda Waqooyi bari Kenya oo ka mid noqota Baaralamaanka iyadoo ka adkaatay ninkii ugu dhowaa ee la tartamayay.
Safiya oo ka tirsan xisbiga PDR ayaa laga soo doortay deegaanka Ijaara ee ismaamulka Gaarisa, waxayna tartan adag la gashay Axmed Ibraahim Cabaas oo kula tartamayay kursiga xildhibaanimo. Waxayna heshay 6,0001 cod halka Axmedna uu helay 5705 cod.
Waa markii ugu horaysay tan iyo markii Kenya xorriyadeeda heshay oo haweeney kasoo jeeda Waqooyi bari ay xil intaas le’eg ku guulaysato.
Kursiga ay ku guulaysatay Safiya Cabdi ayaa waxaa ku loolamayay musharixiin kale oo ka tirsan axsaabta kala duwan ee Kenya.
Safiya Cabdi ayaa horay u aas-aastay hay’ad u dooda xuquuqda haweenka oo la yiraahdo ‘Womenkind Kenya’, taasi oo dhiiri gelisa waxbarshada gabdhaha iyo arrimaha kale ee haweenka la xiriira.
Haweenaydan ayaan ku cusbayn siyaasadda, waxaana 2007-dii xisbiga mucaaradka ee ODM uu u magcaabay xildhibaan aan lasoo dooran oo kamid ah aqalka baarlamaanka.
Muddo dheer oo ay soo ahayd macalimad, ayay sidoo kale wakhti badan gelisay sidii ay ugu dagaalami lahayd xuquuqda haweenka Waqooyi bari Kenya, waxayna safka hore kaga jirtay ka hortaga dhaqamada wax u dhima dumarka sida gudniinka fircooniga ah.