Monday, July 14, 2025

Haweeney Soomali ah oo Ganacsade Caan ah uga guuleysatay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Haweeney soomaali ah oo lagu magcaabo Deeqa Dhalac ayaa loo doortay golaha degaanka ee South Portland City ee gobolka Main ee dalka Mareykanka.

Deeqa Dhalac 52 sano jir ah ayaa si yaab leh uga guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa degaankaasi muddo dheer, waxayna heshay cod aad uga badan. Haweeneydan ayaa hore uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada waxayna noqoneysaa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo degaankaasi laga soo doorto.

Doorashadan ayaa ahayd mid degdeg ku timid markii uu xilka iska casilay mas’uulkii hore u hayey bishii October ee sanadkan, waxayna Deeqo iyo musharixiin kale u tartameen kursiga oo markii danbe ay kaga guuleysatay Ganacsade caan ah oo xaruno waaweyn oo ganacsi ku leh magaalada, laguna magacaabo Donald Cook.

Waxay Deeqa deganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, iyadoo kasoo shaqeysay arrimaha xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo caafimaadka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON