Saturday, August 9, 2025

Haweeney weerar ku qaaday Xarunta Youtube ee Waqooyiga California oo is-dishay

Haweenay ataa Rasaas ku furtay xarunta dhexe ee Shirkadda  YouTube ee magaalada San Bruno ee waqooyiga California ee waddanka Mareykanka.

Weerarka ayaa la sheegay inay geysatay qof la sheegay inay haween tahay oo boolisku ay meydkeeda ka haleen xarunta, kadib markii ay is-toogatay, ayna dhaawacday afar qof oo kale oo la dhigay isbitaallada.

Gawaarida gurmadka degdega ah lagu fidiyo ayaa gaaray goobtay halka booliskuna ay dadka rayidka ah uga digeen inay ka fogaadaan aaggaasi. Shirkadda Google oo iska leh YouTube ayaa sheegtay inay baarayso rasaas la sheegay in aaggaasi laga maqlay.

Taliyaha Booliska magaalada San Bruno Ed Barberini ayaa sheegay in haweeneyda falkan ka danbeysay meydkeeda la helay iyadoo dhaawacyo qabta ay iyadu is gaarsiisay, ayna socdaan baaritaano shilkan la xiriira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON