Monday, July 14, 2025

Haweeneyda hoggaamisa Myanmar Aung San Suu Kyi oo lagala noqonayo Abaalmarinno caalami ah

Haweeneyda hoggaamisa xukuumadda Dalka Myanmar oo ku fashikantay inay wax ka qabato ama cambaareyso xasuuq milateriga dalkeeda ku hayaan muslimiinta tirada yar ee Rohingya ayaa wajaheysa in lagala noqdo abaalmarimo ay siiyeen jaamacado iyo xarumo ku yaalla  dalka Ingiriiska.

Ururka UNISON oo ah ururka labaad ee ugu weyn shaqaalaha dalka Ingiriiska ayaa shaaciyay inuu kala noqonayo Aung San Suu Kyi abaalmarin uu siiyay xilligii ay ahayd siyaasi u xiran kooxda milatariga dalkaasi.

Arrintan ayaa soo baxday iyadoo jaamacado kala duwan oo ku yaalla UK ay ku dhawaaqeen inay ka fiirsanayaan kala noqoshada abaalmarinno iyo aqoonsiyo ay siiyeen haweeneyda Aung San Suu Kyi.

Ururka UNISON ayaa sheegay inay meesha ka saareen xubin sharafeedkii ay siiyeen Aung San Suu Kyi, waxayna ugu baaqeen haweeneydaasi inay cambaareyso falalka lagu hayo muslimiinta Rohingya.

“Xaaladda ay wajahayaan dadka Rohinyga waa wax laga naxo.. xubin sharafeedkii aan siinay Aung San Suu Kyi waan joojinay, waxaanan rajeyneynaa inay ka jawaabto cadaadiska beesha caalaamka” ayay tiri Guddoomiyaha ururka UNISON Margaret McKee.

Jaamacado ay ka mid yihiin  London School of Economics, Oxford iyo Jaamcado kale ayaa ku dhawaaqay inay dib u eegis ku sameynayaan abaalmarinnadii ay siiyeen haweeneya madaxa ka ah xukuumadda Myanmar.

Ururka Amnesty Intarnational ayaa ku sifeeyay warkii ay shalay jeedisay Aung San Suu Kyi inuusan ahayn oo kaliya mid xaqiiqada ka been sheegaya, balse ay cambaareyneyso dadka la beegsaday muslimiinta Rohingya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON