Sunday, July 13, 2025

Haweeneyda ugu weyn Qaxootiga Caalamka oo la joojiyay in laga masaafuriyo Sweden [Sawirro]

Haweeney 106-sano jir ah ayaa BBC-da u sheegtay in ay “ku faraxsan tahay” go’aanka maxkamadeed ee lagu joojiyay in laga musaafuriyo dalka Sweden.

Khalbibi Uzbeki, waa qof waayeel ah oo aan sariirta ka kicin, arageeduna aad ayuu daciif u yhay. Waxaa la aaminsan yahay in ay tahay qofkii ugu waynaa ee megengelyo laga siiyo qaaradda Yurub.

“Ma aadi lahayn Afghanistan, amniga ma wanaagsana, kamana helayo adeegga caafimaadka ee aan u baahanahay,” ayey tiri. Maxkamadda arrimaha socdaalka ayaa sheegtay in go’aanka ay ku salaysay xaalad bini-aadamnimo.

“.. Waxay noqonaysaa argagax haddii lagu qasbo in ay dalkeeda dib ugu noqoto,” ayey tiri maxkamadda ku taalla magaalada Gothenburg. Go’aanka wuxuu meesha ka saaray, dalabkeedii megengelyo doonka ee la diiday bishii May ee sanadkan.

Khalbibi Uzbeki waxay Yurub gashay 2015-kii. Waxaa buuraha dushooda iyo kaymaha soo mariyay wiilkeeda iyo nin ay ayeeyo u tahay, sida ay baahisay AP.

Sikastaba, xubnaha kale ee qoyska ayaa weli sugaya in la aqbalo codsigooda megengelyada, sida uu sheegay Maxamed Uzbeki oo ayeeyo ay u tahay, oo BBC-da la hadlay.

“Dhammaanteen aad baan ugu faraxsannahay go’aanka, balse waxay ka mid tahay 12 qof oo kale oo qoyska ah. keligeed ayaana go’aan fiican heshay. 11-ka kale weli waxba maysan helin, qaar waa loo diiday, kuwana weli lama tixgelin”, ayuu yiri Maxamed Uzbeki.

Maxkamadda socdaalka ee Gothenburg waxay go’aanka ku saleysay da’da Uzbeki, caafimaadkeeda iyo “sida ay u nugushahay”.

Go’aanka wuxuu dhigayaa in Khalbibi Uzbeki ay haysato sharci deganaansho oo 13 bilood ah, ka dibna waxay weydiisan kartaa in loo kordhiyo.

Guddiga arrimaha socdaalka ee Sweden muusan ka hadlin kiisaska shaqsiyadeed, balse wuxuu sheegay “in da’da guud aysan noqon karin sababta qof lagu siiyo megengelyo,” sida uu baahiyay wargeyska Svenska Dagbladet.

Waaxda ayaa sidoo kale ku dooday in dagaalka Afghanistan uusan gaarsiisneyn “heer qof kasta lagu siiyo deganaanshaha Sweden”.

Dalka Sweden wuxuu soo dhoweeyay 160,000 oo qof oo badankoodu ka yimaadeen Bariga Dhexe iyo Afghanistan, sanadkii 2015-kii.

Markaa ka dib wuxuu soo rogay xannibaado dhanka megengelyada ah. Sanadkii tagay ee 2016-kii waxaa gaaray Sweden 30,000 oo qaxooti ah.

Khalbibi Uzbeki

 

Seeking shelter: Uzbeki has been named the 'world's oldest refugee' by international media

Turkiga oo qaadanaya Haweeney 106 sano jir Qaxooti ah oo laga masaafurinayo Sweden [Sawirro]

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON