Tuesday, June 24, 2025

Haweeneydii Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya oo Mooshin xilkii looga qaaday

Xildhibaanada Koonfurta Kuuriya ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxwayne Park Geun-hye oo jahwareer badan uu haystay.

Marka la fiiriyo tirada badan ee xildhibaanada ah ee u codeeyay in xilka laga qaado waxay cadayn u tahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay isku xisbiga yihiin ay ka qaybqaateen kalsooni kala noqoshadeeda.

Kumanaan dad ah oo caraysan ayaa jooga banaanka dhismaha baarlamaaanka iyaga oo doonayay in xilka laga qaado madaxwaynaha.

Park ayaa wajahaysay fadeexad siyaasadeed oo horseeday mudaaharaaadyo badan.

Fadeexaddaasi waxay salka ku haysaa gabar ay saaxiibo yihiin madaxwaynaha oo la sheegay in ay kalsoonidaas u adeegsatay in ay dano gaar ah ku fushato.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen in Park ay door ku leedahay musuqmaasuqa ay samaysay saaxiibadeed, laakiin way diiday eedaymahaas.

Waxaa kale oo ay ka dhago adaygtay baaqyo loo soo jeediyay oo ku aadanaa in ay xilka iska casisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON