Haweeneydii reer Masar ee ugu buurneyd dunida, oo culeyskeedu gaaray 500 kg, ama Nus tan ayaa geeriyootay.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Iimaan Cabdi-caadi ayaa subaxnimadii saaka ee Isniinta la shaaciyay inay ku geeriyootay isbitaal ay ku jirtay oo ku yaala magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
War uu soo saaray isbitaalk ayaa algu sheegay in Iimaan ay geeriyooday 10-kii habeenimo ee saqda dhexe kadib markii ay ay shaqeyn waayeen Killiyaheeda, iyadoo ay xaaladeeda la tacaalayeen ilaa 20 dhaqtar, laakiin markii ay xaaladeeda soo hagaagtay ay aroortii saaka geeriyootay.
Iimaan oo 36 sano jir ahayd ayaa culeyskeedu gaaray Nus Tan (500 kg), waxaana dalka Imaaraadka la geeyay bishii April kadib markii Qalliin lagu guuleystay lagu sameeyay Magaalada Mombai ee dalka India oo culeyskeeda hoos loogu dhigay 250 kg.
Khilaaf soo kala dhex galay qoyska Iimaan iyo dhaqaatiirta India ayaa keenay in loo wareejiyo dalka Imaaraadka markii ay xaaladda faragelisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.