Thursday, June 26, 2025

Haweeneydii ugu horeysay oo Heesaa ka noqota Dhulka Soomaalida oo Geeriyootay

Waxaa xalay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ku geeriyootay Fanaanadii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee noqota heesaa.

Shamis Ismaaciil Abuukar (Guduudo Carwo) waxay taariikhda ku gashay inay noqotay haweentii ugu horeysay ee masrax ka heesta, waxayna ahayd qof da’ ah oo  maalmihii ugu danbeeyya ku xanuunsaneyd Magaalada Hargeysa.

Guduudo Carwo oo waxay fanka ku soo biirtay xilli aan Soomaalida laga aqoon fanka casriga ah, waxayna ahayd gabadhii ugu horeysay ee ku dhiiratay inay masrax hees ka qaado, iyadoo markaas kadib ay fanka ku biireen hablo fara badan.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Hargeysa oo qabanqaabo weyn ay ka socoto. waxaana tacsi u diray madax iyo fanaaniin fara badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON