Waxaa markii ugu horeyay Sacuudiga ka dhaqan galay inay haweenka ka qeyb galaan daawashada ciyaaraha kubadda cagta oo ay tagaan Garoomada dalkaasi.
Haween badan ayay soo jiidatay xayiraadda laga qaaday, waxaana iyagoo qoysaskooda la socda ay buuxiyeen garoomada ciyaaraha Boqortooyada, iyadoo uu socdo horyaalka dalkaasi, waxaana ka muuqatay farxad.
Ciyaartii ka dhacday Garoonka Boqor Fahad ee magaalada Riyaad ee dhex maray labada kooxood ee xafiilama Alhilaal iyo Itixaad ayaa soo jiidatay haween fara badan, waxaana Sacuudiga ka socda isbedelka wiilka Mareykanku wato ee leh dhaxalka Maxamed Bin Salmaan.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA










