Friday, June 27, 2025

Hay’ad Caalami ah oo Digniin ka soo saartay Macaluul ka dilaacda Soomaaliya sanadkan 2018

Waxaa mar kale laga digay macaluul baahsan oo Soomaaliya ka dilaacda, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay hay’adda Qaxootiga Norway ee NRC.

NRC ayaa sheegtay haddii aan gargaar degdeg lala soo gaarin dadka Soomaalida ay horssedi karto xaalad macluul oo mar kale Soomaaliya ku habsata sanadkan 2018.

”Bulshada Caalamka ayaa sanadkii hore badbaadisay kumanaan kun oo qof oo ay soo food saartey abaar sanadkii hore, iyagoo sameeyey ka hortag inta aaney faraha ka bixin xaaladdu”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda NRC.

 Magaalada London ayaao lagu wadaa in lagu qabto shir ku saabsan arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, kaasoo lagu lafa gurayo dhibaato kusoo fool leh dad gaaraya 2.7 million oo Soomaali ah oo qarka u saaran macaluul.

Hay’adda arrimaha Qaxootiga ee laga leeyahay Norway ee NRC ayaa ka digtay in haddii sanadkan dad gaaraya 2.7 million ay ku jiraan xaalad degdega, maadaama aaney helin quutul duruuriga maalinlaha ah.

Hey’addaha gargaarka ayaa doonaya in loogu yabooho $1.5 billion lacag gaareysa, si ay u fidiyaan barnaamijyo muddo socda oo lagu kaalmaynayo bulshada, si looga hortago in dhibaatooyin kale dhacaan.

Caruur lagu qiyaasay 300,000 oo ay da’doodu kayar tahay shan sano jir, ayaa waxaa haysata macluul.

”Inkastoo ay jirto abaar, haddana waxaa dhanka kale jira amni darro taasoo xaaladda uga sii dartey. In ka badan 1.1 million oo qof ayaa guryahooda isaga cararey kadib markii uu saameeyey dagaalo ay keeneen macluusha iyo abaarta” ayay tiri NRC.

Sanadkii 2016 waxaa jiray malaayiin qof oo dalka gudihiisa ku barakacday. Ilaa iyo hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa dalalka dersika ah qaxooti ku ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON