Wednesday, July 2, 2025

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo war ka soo saartay olole Kirishtaameyn ah & soo nooleynta Kaniisadihii ka jiray Soomaaliya

hayadac

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digtay dad Soomaaliyeed oo dhowaanahan baraha xiriirka Bulshada ka sheeganayay inay ka baxeen  diinta islaamka oo ay kirishtaan noqdeen iyo warar sheegaya in dib loo dhisayo Kaniisadihii ku yaalay magaalada Muqdisho.

Kulan culimo ka tirsan Hay’adda ay isugu yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo qaaday qodobo dhowr ah oo uu saxaafadda u akhriyay guddoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo sheegay in arrimaha ku saabsan sheegashada ka bixitaanka diinta islaamka ay sabab u tahay arrimo badan oo ay ka mid tahay qaxootiga Soomaalidu noqotay iyo kooxda Alshabaab dhibaatada ay dalka ka wado .

Sheekh Nuur Baaruud oo iska kulanka ka haldlay ayaa sheegay dadka Soomaalida ee sheeganaya inay kirishtaan noqdeen inay yihiin Murtadiin oo qoorta laga goynayo, hadii aysan dowladdu sidaasi yeelina ay dadka Soomaaliyeed u fasaxan yihiin inay tallaabadaas qaadaan.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay culimo badan oo ka hor jeesatay in dib loo dhiso Kaniisadihii gumeysiga uu dalka ka sameeyay, waxayna dowladda  ugu baaqee in haddi ay jirto arrin noocaasi aanay ogolaan.

DHAGEYSO CODKA SHEEKH BASHIIR

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON