Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixisay Siyaasadda Qaran ee Jinsiga, sidii warbaahinta u marin habaabisay qaabkii ay uga hadleen arrintaasi iyo wixii dhex maray golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya.
War-saxaafadeed cusub oo Hay;adda ay maanta soo saartay maanta waxaa ugu muhiimsanaa:
- In warkii ay soo saareen ay warbaahintu jarjartay oo qaab kale loo rogay.
- In dadkii aan culimada ka mid ahayn ee xamaasadu qaatay aanay mas’uul ka ahayn Hay;adda, wax fatwo ahna aanay soo saarin
- In ay ka digeen heshiisyo caalami ah oo ku saabsan dumarka, saxiixoodana ay ka imaan karto halis
- Inay ka xun yihiin sida Wakaalada Wararka SONNA ee dowladda u faafisay warkooda
- Inay culimadu aad uga xumaadeen shirkii jaraa’id ee ay keligeed qabsatay Wasiirka Haweenka iyadoo aan soo xigan wixii kasoo baxay Golaha Wasiirada.
- iyo inaysan jirin wax ay ka tanaasuleen culimada sida warbaahinta qaarkood faafiyeen
WAR-SAXAAFADEEDKA HOOS KA AKHRISO