Tuesday, June 24, 2025

Hay’adda Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo Deeq gaarsiiyay isbitaalka Dhimirka Dr. Xabeeb ee Kaxda

Madaxda hay’ada hormuud foundation iyo salaam bank ayaa ugu horeyn kormeer kusameeyay qeybaha uu kakoobanyahay xarunta dhexe ee Dr Xabeeb halkaasi oo ay kula kulmeen dad aad ufara badan oo isugu jira rag iyo dumar laxanuunsanaya xanuunada dhimirka.

Intaa kadib madaxa hay’ada hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cismaanayaa ku wareejiyay maamulka isbitaalka dhimirka dr xabeeb deeq kakooban raashiin oo ka koobneed Bur, Bariis, Sokor, Saliidiyo Timir.

Madaxa hay’ada hormuud foundation Cabdulahi Nuur Cismaan oo deeqda kuwareejiyay maamulka isbitaalka dhimirka ee dr xabeeb ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb katahay deeqaha ay ugu tala galeen dadka dhibanayaasha ah inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan islamarkaana ay sii wadi doonaan tagayarada ay siinayaan dadka tabaaleysan

Madaxa isbitaalka dhimirka ee Dr xabeeb Cali Maxamed Xasan oo deeqda gudoomay ayaa kaga mahad celiyay salaam Somali bank iyo hay’ada hormuud foundation kaalinta ay kaqaadanayaan ugargaarida dadka dhimirka looga jiro islamarkaana waxa uu tilmaamay in  deeqda ay kusoo aaday xili ay aad ugu baahnaayeen

Madaxa arimaha bulshada xafiiska raysal wasaaraha Maryan Aadan Amiin oo hadal kooban kajeedisay goobta ayaa uga mahad celisay hormuud foundation iyo bankiga salaam bank sida ay ula socdaan baahiyaha dadka xanuunsan oo dhimirka looga jiro.

Hay’ada Hormuud Foundation iyo Salaam Bank ayaa dardar galinaya barnaamijka taakuleynta dadka tabaaleysan ee bisha barakeysan ee ramadaan iyagoo iska kaashanaya caawinaada dadka ubaahan in lacaawiyo waxaana ugu dambeen madaxa hay’ada hormuud foundation uu baaq dheer ugu diray dadka soomaaliyeen in ay gacan kageystaan wax uqabashada walaalohooda tabaaleysan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON