Friday, July 11, 2025

Hay’adda Hormuud Foundation $2 Million Dollar ugu deeqday afurinta Dadka tabaaleysan & la- dagaalanka Covid-19

Hay'adda Hormuud Foundation ayaa Maanta ku dhawaaqday in ay qeyb ka tahay Dagaalka lagula jiro Cudurka Covid19 kuna dhawaaqday Caawinaada 20,000 qoys Danyar ah oo ku nool Muqdisho​

Sida aan la wada socdono, waxaa aduunyada ka dillaacay xanuunka loo yaqaano Covid-19, kaasoo kasoo bilowdey China, balse haatan ku fidey dhamaan dunida dacaladeeda. Sidaas darteed Shirkadda Isgaarsiintaa Hormuud iyadoo ka jawaabeyso arinkaas waxay qaaday waxay qaaday tallaabooyinka soo socdo:

  1. Ugu horeynba shirkada waxaa aay sameeysey number free ah oo dadka xanuunsan soo wici karaan 449.
  2. Shirkada waxaa aay telefoonadeeda ku xirtey wacyi gelinta xanuunka iyadoo qofkastaa oo telefoonka isticmaalaa uu maqlayo wacyigelintaas.
  3. Shirkadu waxaa aay gacan ka geysatey sameynta iyo hagaajinta Xarun casri ah ee soo wicitaanka  ee ku tala magaalada Muqdisho taasoo aay soo wici karaan dhammaan dadka Soomaaliyeed
  4. Shirkadu waxaa aay ku xoojisey laba Ambulance oo la howlgalaya howl wadeenada caafimaadka ee ku howlan howshaan iyada ah
  5. Shirkadda waxaa aay gacan ka geysaneeysaa helitaanka Oxygen .
  6. Dayactirka Qeybo ka mid ah Isbitaalka Banaadir, oo aay ku kici doonto lacag dhan $500,000 ( Shan Boqol kun dollar.)

 Dhanka kale si loo Caawiyo inta nugul ee bulshada ka mid ah, Shirkadda Hormuud Telecom, waxaa aay dhaqaale u qoondeeysey caawinta dadkaas , gaar ahaan kuwa uu dhaqaalahooda hooseeyo , waxaana ka mid ah:

  1. 10,000 qof oo danyar ah oo loo siin doonaa $10,000 maalintii mudo sodon maalmood, taasoo dhan $300,000 ( Sadex boqol kun dollar ), dadka danyarta ah waxaa aay iska diiwaan gelin karaan, numberka gaaban ee 144, si aay u dalbadaan caawinta si fariin ah.
  2. Caawin afurin ah oo aan gaarsiin doono: Dhawr boqol oo Naafada, Indhoolayaasha, Dhagoolayaasha,  Maxaabiista Xabsiga dhexe, Naafada Xooga dalka, Qoysas danyar ah, Agoonta (1,000), Haweenka Danyarta (700), Qaxootiga Yemeniyiinta, Dadka ka xanuunsan Dhimirka, waxaana uu mashruucaan ku kici doonaa $350,140 ( Sadex boqol konton kun iyo boqol iyo afartan dollar)
  3. Sidoo kale Shirkada waxaa aay $200,000 (laba boqol kun dollar), ku dartey barnaamijka Afuri walaal ee aay wado Rubta ganacsiga iyo warshadaha
  4. Shirkadu waxaa aay qalab caafimaad ku dalabtay lacag dhan $300,000 ( saddex boqol kun dollar)
  5. Shirkada waxaa aay ku dalabtay timir lacag dhan $420,000 ( afar boqol iyo labaatan kun dollar) Timirtaasoo la gaarsiin doono inta nugul ee bulshadeena ka mid ah.
  6. Shirkada waxaa aay siineeysaa min $100, ilaa iyo 200 Macalimiinta dugsiyada Quraanka, taasoo  dhan $20,000 (labaatan kun dollar)

Sidaa darteed, Hormuud Telecom, waxaa aay ku bixineysaa la tacaalida xanuunkaan iyo sidii loo yareyn lahaa sameyntiisa lacag dhan, $2,070,140 ( laba milyan todobo boqol iyo boqol afartan dollar). 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON