Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Cabdi Sheekh Axmed ayaa shaaciyey in shaqadii laga joojiyey shirkadii SONIC ee maamul jiray astaanta internetk-ka ee dotSO, iyo shaqaalaheedii oo dhan.
Mareeyaha ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aysan ahayn SONIC shirkad qof leeyahay, balse ay tahay hay’ad dawladeed oo u adeegeysa shacabka. Wuxuuna intaasi ku daray in qorshuhu yahay in qof kasta oo Soomaali oo joogo meel kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda uu heli karo dotSO, una isticmaali karo qof ahaan, ganacsi, adeeg waxbarasho, iwm.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee maamusha Astaanta Internetka Dalka (dotSO) ayaa kulan wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Soomaaliyeed ee diiwaan-geliya dotSO. Ujeeddada kulanka oo ka dhacay Xarunta KMG ah ee Hay’adda ayaa ahayd in la dhageysto caqabadaha haysta shirkadahan iyo talooyinka ay soo jeedinayaan si loogu biiriyo qorshaha dib-u-habeynta ee lagu sameynayo astaanta Qaranka si ay uga tarjunto ujeeddooyinkii loo aasaasay.