Hay’adda Khaliif BIn Zayed Al-Nahyan ee arrimaha gargaarka Imaraadka carabta ayaa sheegtay inay biyo-xireen ka hirgalisay  magaaladda Hargaysa ee Somaliland, kaasoo dhowaan la furayo.
Biyo xireenka oo qeyb ka ah mashariica gurmadka Soomaaliya ayaa ka socday magaalada Hargeysa, waxaana looga faa’iideysan doonaa beeraha iyo horumarinta wax soo saarka, sida lagu sheegay war lagu qoray wakaalada wararka Imaaraadka.
Biyo xireenka ayaa wax weyn ka taraya daadadka ku rogmada Hargeysa iyo gobollada Waqooyi, wuxuuna biyahaasi ka dhigi doonaa kuwo la keydiyo.
Faahfaahin mashruucan biyo xireenka ayaa la sheegay in la shaacin doono laba maalmood ee soo socda oo la furi doono, waxaana halkaasi isla arrintan u jooga farsamayaqaano iyo Injineero ku howlan holwlihii ugu danbeeyay ee gabagabada.
DAAWO SAWIRRADA