Wednesday, July 9, 2025

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shaaciyey War cusub oo farxad u ah Soomaaliya

Hay’ada lacagta Adduunka ee IMF ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka gudubtay wajiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameestirka deyn cafinta.

War-saxaafadeed ay soo saartay IMF ayaa lagu caddeeyay in Soomaalia kasoo baxday shuruudihii looga baahnaa, sida dib u habeynta dhaqalaha, ayna gaartay heerkii looga baahnaa dib u eegistii koowaad oo ay horumar ka sameysay qorshihii loo dhigay, inkastoo dalku wajahay Cudurka Coronvius, Ayax iyo Daadad.

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Dr, C/raxman Ducaale Beyleh ayaa soo dhoweeyay warbixin ay soo saartay Hay’adda lacagata Adduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ka gudubtay wejiga koowaad ee wadahadalka heerkiisu sareeyo ee dhameestirka deyn cafinta.

Wuxuu sheegay inay imtixaan ku jireen muddo 24 maalmood oo shalay dhammaaday, qoraalka kasoo baxay IMF-na uu muujinayo in shuruudihii looga baahnaa oo dhan ay si fiican uga soo baxeen.

WARBIXINTA IMF HALKAN KA AKHRISO
IMF Reaches a Staff-Level Agreement for the First Review of the Extended Credit Facility for Somalia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON