Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaalida ee NISA ayaa caawa shaacisay xog ku saabsan khilaaf soo kala dhex galay xubnaha Sare ee Alshabaab.
Qoraal NISA ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lahu sheegay in Amiirka Alshabaab uu xilalkii Golaha fulinta ka saaray laba xubnood oo ka mida madaxda Alshabaab, kadib markii ay soo jeediyeen in Alshabaab ay joojiso qaraxyada.
“Axmed Diiriye, Horjoogaha Argagixisada Alshabab ayaa ka saaray Mahad Karataay & Bashir Qoorgaab golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen Xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen Horjoogaha AS, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.
C/raxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karate) ayaa ahaa ku xigeenka Amiirka alshabaab, waxaana arrintan haddii ay xaqiiqo noqoto ay caddeyn u tahay in Alshabaab uu khilaaf kale oo aragti ah soo kala dhex galay.