Thursday, April 18, 2024

Hay’adda Xuquuqda Insaanka ee HRW oo War kasoo saartay Arrinta C/kariin Qalbi dhagax

Hay’adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka bariga Afrika.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.

Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah.

Ad

Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay.

Sidoo kale hay’adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo loo garanayay Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Hay’adda difaacdo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay in ay Itoobiya ku noqdaan.

- Advertisement -

“Sideed ka mid ah dadkii noqday ayaa lagu jirdilay gudaha Itoobiya”, sida HRW ay sheegtay.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON