Monday, July 14, 2025

Heshiis laga gaaray Aaska meydadka Weerarkii Bariire iyo Go’aanka Dowladda oo la shaacinayo

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray aasidda meydadkii weerarkii Bariire oo muddo toddobaad la diidanaa in la aaso.

Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadal dhex maray ehalada iyo siyaasiyiinta ay kasoo jeedaan dadka la dilay iyo xukuumadda Soomaaliya, waxaana aaska oo qabanqaabadiisa ay ka socoto Muqdisho. Aaska meydadka 10-ka qof oo 3 ka mida ay caruur yihiin ayaa waxaa ka qeyb galaya wasiiro iyo Xildhibaano dowladda Soomaaliya.

Heshiiskan aasidda dadkan ayaa ka danbeeyay kadib markii baaritaan ay sameeyeen guddi ay sameysay dowladda Federaalka ay warbixintoodii ugu horeysay u gudbiyeen madaxda dalka, iyagoo maanta ka hor jeedinaya shirka Golaha wasiirada, waxaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay magdhow ka bixiso dadka lagu laayay Bariire.

Shirka Golaha Wasiirada ee manta ayaa lagu wadaa inuu kasoo baxo go’aanka baaritaanka iyo kan dowladda Soomaaliya ka qaadatay weerarkii Bariire oo dhinacyo kala duwan lagu eedeeyay, isla markaana keenay in xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ay hadallo is khilaafsan saxaafadda u sheegaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON