Wednesday, June 25, 2025

Heshiis laga gaaray Shirweynaha Beelaha Mudullood & kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaar ka mida Duubabka, siyaasiyiinta, culimada iyo Waxgaradka Beesha Mudullood ayaa heshiis ka gaaray shirweynaha Beesha oo dhowr jeer baaqday iyo khilaaf ka dhaxeeyay qaar ka mida hoggaanka Beesha.

Kulan ka dhacay Mowlaca Macalin Nuur oo ay ka qeyb galeen hoggaanka dhaqanka iyo Siyaasaddda Beesha ay la isku afgartay in hore la qabti shirkii Beesha Mudulood iyadoo loo saaray Guddi kasoo shaqeeya howshaasi oo loo dhan yahay.

Kullanka waxaa ka qeyb galay; Cali Ugaas Cabdulle, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Muuse Suudi Yalaxow Ugaas Maxamud Cali Ugaas, C/qaadir Macalin Nuur, Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale waxaana isku cafiyey Ugaas Maxamuud Cali iyo Muuse Suudi.

Guddiga qabanqabaada shirka ee la sameeyay ayaa laga sugayaa inuu soo diyaariyo xilliga shirka, qaabka ka qeybgalka iyo natiijada laga sugayo, waxaana lagu wadaa inuu si degdeg howshan u qabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON