Monday, July 14, 2025

UPDATED: Heshiiska maamul u sameynta Gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan oo lagu saxiixay Muqdisho

Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhoweyd ka furmay ka socda  ka furmay shirka lagu saxiixayo heshiis maamul loogu sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Shirka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan ayaa looga dhawaaqay in 1-da September uu furmi doono.

labagobol

Xaflada saxiixa maamul u sameynta labada gobol waxaa ka qeyb galaya, Madaxda sare ee dowladda, Wasiirada dowladda ee ka soo jeeda labada gobol, Guddoomiyeyaasha Goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Xildhibaanada labada gobol ka soo jeeda, wakiilo ka socda Q/Midoobay, IGAD iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Wasiirada ku sugan shirka waxaa ka mida:

  1. Wasiirka Amniga
  2. Wasiirka Macdanta iyo Batroolka
  3. Wasiirka Kaluumeysiga
  4. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaaalaha
  5. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga
  6. Wasiiru Dowlaha Maliyadda
  7. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyda
  8. Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysul-Wasaaraha
  9. Wasiiru Dowlaha Ganacsiga
  10. Wasiir ku-xigeenka Caafimaafka
  11. Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka

Xaflada ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu saxiixo heshiis maamul loogu sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kadibna ay wasaaradda arrimaha gudaha la wareegi doonto furista shirka, inkastoo weli isku maanshaafsan yahay halka la dhigayo gogosha shirka. Waxaa goobta lagu soo bandhigay hanaanka loo marayo guddiga farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo la isku raacay in muddo 60-cisho ah lagu soo gabo gabeeyo dhismaha Maamulkaasi.

saxix

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay qorshaha lagu doonayo dhismaha Maamul u sameynta labada gobol iyo heshiiska maanta lakala saxiixday.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa isna dhankiisa xusay inay tahay wax lagu farxo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, laguna heshiiyay habka loo marayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” ayaa sheegay in Wasaaraddu ay gacan ka geysaneyso dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, isla markaana loo marayo hanaan dib u heshiisiineed, isu tanaasul iyo wadatashi lala yeelanayo qeybaha bulshada  ee labada gobol.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu horeyn Wasaaradda Arrimaha gudaha ugu hambalyeeyay dhismaha dowlad goboleedka Galmudug iyo sida loogu guuleystay, isgaoo xusay in Xukuumadda oo jirta muddo yar ay gaartay guul weyn, uuna soo dhaweynayo dhismaha Maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xsheekh

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay in la qaaday waddadii lagu dhameystiri lahaa nidaamka Federaalka ah, isla markaana dhismaha labada gobol ay ka turjumeyso in dowladdu ay ku talaabsatay hanaan dimoqradiyadeed iyo dowlad wanaag sida uu yiri.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON