Saturday, July 5, 2025

Heshiiskii Doorashada oo la isku mari waayay & madaxweynaha oo hortaagan in loo gudbiyo Baarlamaanka

Wax ka bedelka heshiiska qaabka doorashada 2016 ayaa la isku mari waayay, iyadoo meel xasaasi ah ay mareyso arrinta guddiga Baarlamaanka  u  saaray dib u eegista heshiiskaasi.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa ka socday xarunta madaxtooyada ee fadhiga Madaxweynaha iyo Villa Hargeysa oo fadhi u ah guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana la isku hayaa arrinta ugu weyn oo ah Aqalka sare.

Guddiga dib u eegista Dastuurka ayaa ku adkeystay in Gobolka Banaadir lagu daro Aqalka Sare ee Baarlamaanka, iyagoo u qoondeeyay 6 xubnood, taasoo  ay diidan yihiin  madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxayna is hor taageen in Baarlamaanka la hor geeyo wax ka bedelka heshiiska.

Beesha caalamka oo soo faragelisay arrintan ayaan wax natiijo ah ka keenin kulamadii iyo cadaadiskii ay saartay guddiga Baarlamaanka, waxaana xaaladda ay ku socotaa meel is mari’ waa ah.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in guddiga Baarlamaanka la kala furfuray, iyadoo gudoonka Baarlamaanka laga dhaadhcinayo inuu sidiisa ku ansixiyo heshiiska.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON