Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ayaa si rasmi ah u aqbashay inay noqoto musharaxa
madaxweynaha Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Mareykanka iyadoo u tartami doonta xilkaasi oo uu kula loolamayo ninka ay Jamhuuriga soo xusheen ee Donald Trump bisha November 2016.
Shirweynihii Dimoqraadigu ee ka socday magaalada Philadelphia ayay xalay si rasmi ah u aqbashay Hillary Clinton in ay noqoto musharraxa xisbiga Demoqraaddig u matali doona doorashada madaxtinnimo, iyadoo khudbad caaqiiblo leh ka jeedisay shirka.
Hillary Clinton waxay dhulka ku jiiday Donald Trump oo ay sheegtay inuusan ehel u ahayn inuu hogaamiyo dal sida Mareykanka oo kale ah, iyadoo ku eedeeysay cunsurinimo iyo inuu cabsiiyo dadka Mareykanka ah.
“Wax na celin kara ma jirno, xadkeenu waa cirka…” ayay tiri Hillary Clinton oo si kalsooni ku jirto u aqbashay inay xilkan u tartanto, taasoo taariikhda ay ku gashay inay noqotay haweeneydii ugu horeysay ee xisbi u soo xusho jagadan.
Hillary oo soo noqotay Senator, Marwada koowaad ee Mareykanka, iyo xoghayaha arrimaha dibadda waxay ninka la loolamaya ee Donald Trump ku tilmaamtay nin yar, oo ku taajiray dhiig miirashada shaqaalaha, isla markaana aan istaahilin inuu noqdo taliyaha sare ee ciidamada Mareykanka.
Madaxweyne Brack Obama ayaa sheegay in khudbadii Hillary Clinton ay ahayd mid cajiib ah oo si qurux badan ay u dhigtay, wuxuuna twiter-kiisa soo dhigay, “Waa jarriban tahay, Marna isma dhiibto, waana sababta ay u mudan tahay inay noqoto madaxweynaha xiga ee Maryekanka”.
Great speech. She's tested. She's ready. She never quits. That's why Hillary should be our next @POTUS. (She'll get the Twitter handle, too)
— President Obama (@POTUS44) July 29, 2016

