Hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Alshabaab Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa ka soo dhex muuqday isu soo bax dhowaan ka dhacay degaanka Salagle ee Gobolka Jubadda Dhexe.
Wuxuu Fagaare kula hadalay boqolaal qof oo shacab isgoo sheegay in duullaankii ay ciidamada shisheeye ku soo qaadeen Soomaaliya uu fashilmay.
Sheekh Fu’aad ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku biiraan jihaadka sida uu yiri, wuxuuna sheegay in arrinta qar iska tuur ah ku tilmaamay ciidamada cusub ee Mareykanku soo diray Soomaaliya iyo hanjabaadda kasoo yeertay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahayd inuu xoojinayo dagaalka lagula jiro Alshabab.
Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga ayuu sheegay inuu dhiig bax badan ku dhacday oo ay bilaabeen inay dib u gurteen, isagoo rajeeyay in waqtiyada soo socda ay guulo ka gaari doonaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
DHAGEYSO