Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ayaa shaaciyay inuu ku dhacay cudurka Coronavirus.
“Waxaa la iga helay cudurka Covid-19, waxaan geli doonaa 7 maalmood oo aan is karaantiimayo. Ma jiro wax caafimaad darro ah oo aan hadda dareemayo. Alle ayaan uga mahad celinayaa xaalad kasta.i” ayuu yiri C/raxman Cirro oo farriin soo diray.
Dadka cudurkan uu ku dhaco ayaa muddo 14 maalmood ah la karaantiilaalaa, xilligaas oo oo dawooyin la siiyo, isla markaana lala tacaalo xaaladiisa, waxaana markaas kadib la eegaa inuu ka bogsooday iyo in kale.
Cudurka Covid-19 ayaa dunida oo dhan kusoo laba kacleeyay, iyadoo gudaha Soomaaliya ay kiisaskiisu kusoo badanayaan Puntland iyo Somaliland.
