Friday, July 11, 2025

Hogaamiyeyaal Alshabab ah oo lagu dilay weerar ay Baardheere ku qaaday diyaarad Drone ah

Diyaarad nooca iskeed is wada ah ee DRONE ayaa magaalada Baardheere  ku duqeysay Gaari la sheega inay saarnaayeen araakiil ka tirsan  Al-Shabab oo marayay meel Baardheere u dhow. Wararku waxay sheegayaan in gaariga la duqeeyay oo ay la socdeen laba hogaamiye sare Al-Shabab ka tirsanaa oo la sheegay inay duqeynta ku geeriyodeen.

Drone

Dadka degen Baardheere ayaa sheegay in meydka saraakiil ka tirsan Al-Shabab ay goobta la duqeeyay ka qaadeen maleeshiyada Alshabaab oo halkaas tegay  markii gaariga la duqeeyay kadib. Goobta weerarku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa tuulada Jungal waxayna 30 Galbeed ka xigtaa Baardheere.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, laakiin Mareykanka ayaa caadiyan weeraro noocan oo kale ah ku qaaday saraakiisa Alshabaab, isagoo hore u dilay madax badan oo ka tirsan ururkaasi kana mid yahay hogaamiyahooda Muqtaar Abuu Zubeyr.

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON