Wednesday, June 25, 2025

Hogaamiyihii islaamiga ahaa ee Suudaan Xasan Al-Turaabi oo geeriyooday

Hogaamiyihii caanka ahaa ee islaamiga ahaa Xasan Al-turaabi ayaa geeriyooday goor dhoweyd, kadib markii caafimaadkiisa sii xumaaday.

Al-turaabi ayaa ahaa hogaamiya ka mida kuwa ugu waaweyn dalalka Carabta wuxuuna kasoo jeeday kooxda Akhwaanul Muslimiin, isagoo qeyb weyn ku lahaa afgambigii uu Madaxweyne Albashiir talada dalka Suudaan ku qabsaday.

Xasan Al-turaabi iyo Madaxweyne Albashiir ayaa markii dambe isku dhacay, taasoo keentay in xabsiga la dhigo oo uu ka mid noqdo mucaaradka dalka Suudaan.

Hogaamiyahan ayaa xanuunsanaa maalmihii ugu danbeeyay, waxaaba isbitaalka la dhigay kadib markii xanuun ku soo booday, wuxuuna markii dambe ku geeriyooday Isbitaalka.

Xasan Al-turaabi wuxuu ahaa aqoonyahan heer sare ka gaaray cilmiga iyo diinta islaamka, isagoo lagu tilmaamay Mufakir iyo hal abuur weyn oo dunida islaamka ay yar tahay qof la mida xilligan, waxaana aad loogu xusuusan doonaa dhoolacadeyntiisii joogtada ahayd iyo cilmigiisii badnaa, wuxuuna ku geeriyooday da’da 84 sano.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON