Hoggaaminaya mucaaradka Turkiga Muharrem Ince ee loolanka xilka madaxweynaha la galay madaxweynaha Recep Tayyip Erdogan ayaa qirtay in looga guuleystay doorashada.
Muharrem Ince oo shir jaraa’id qabtay maanta duhurnimadii ayaa sheegay in natiijada ay hayaan iyo tan ay shaaciyeen Guddiga Doorashada ay isku dhow yihiin, inkastoo ay jireen khaladaad ka dhacay doorashadana aanay suuragal ahayn in 10 Milyan oo Cod la musuqmaasuqo, sidaasina uu ku aqbalay natiijada.
Hoggaanmiyaha mucaaradka dalka Turkiga u sharaxeen inuu la tartamo madaxweyne Erdogan oo ka socday xisbiga Republican People’s Party (CHP) ayaa uu baaqay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu noqdo madaxweyne u dhaxeeya dhammaan dadka kala duwan ee Turkiga ah oo ka shaqeeyo mideynta dalkaasi.
Muharrem Ince ayaa codadkii la tiriyey ka helay in ka badan 30% halka madaxweyne oo dib loo doortay uu helay 52%.