Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar jidgooyo ah ku qaadeen hoggaamiye hore ee koox burcad badeed ah oo degaankaasi laga yaqaan.
Weerarka ayaa lagu qaaday Gaari uu la socday Maxamed Gafaanje iyo ilaalo uu watay wuxuuna ka dhacay degaanka Gawaan oo 30 Km u jira degmada Hobyo gobolka Mudug, iyadoo weerarka uu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa lagu dhaawacay weerarka Maxamed Garjaafe, iyadoo lagu dilay 3 ka mida ilaaladiisa. Ciidamada Ammaanka degmada Hobyo ayaa ku baxay goobta, waxaana dhaawaca la geeyey isbitaalka Gawaan, iyadoo aan weli la sheegin dableyda weerarka ku qaaday iyo halka ay kasoo jeedaan.