Madaafiic Hoobiyeyaal ah ayaa caawa fiidkii lagu weeraray xarunta weyn ee AMISOM ku leedahay Xerada Xalane ee ku dhegan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Madaafiicda ayaa daryankooda laga maqlay degmooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha, waxaana ay gaarayeen ilaa shan madfac oo ku habsaday xerada Xalane oo ah xarunta ugu weyn ee AMISOM.
Hoobiyeyaasha ayaan la ogeyn halka laga soo tuuray, laakiin ma aha markii ugu horeysay ee degaanka Jaziira hoobiyeyaal looga soo weeraro Xalane.
Goobjoogeyaaku sugan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ayaa xerada Xalane dhinaceeda ay ku dhaceen ilaa shan Madfac oo waaweyn.
Ma jirto faahfaahin ku saabsan qasaaraha madaafiicdan geysteen, mana jirin rasaas kale oo la maqlay ama jawaab ay bixiyeen ciidamada AMISOM.
Goobjooge.com