Tuesday, July 15, 2025

Hooyo 10 Caruura leh oo ninkeeda ku dilay Degmo ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

Fal naxdin leh ayaa ka dhacay tuulo ka tirsan degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/hoose, kadib markii nin hubeysan uu xalay xaaskiisa toogasho ku dilay.

Hooyada la dilay ayaa dhashay 10 carruur oo 8 ka mida ay ahaayeen agoon uu aabahood dhinta, iyadoo ninka dilka u geystay ay u dhashay laba caruur ah oo kala ah wiil iyo gabar.

Sababta keentay in la dilo marxuumad Xabiibo Nuur Ugaasow ayaa la sheegay inay ahayd iyadoo ninkeeda dilka geysatay uu doonayey inuu kala wareego hanti ay lahaayeen caruurteeda oo uu ka dhintay ninkeedii hore.

Muran muddo dhaxeeyay labada isu dhaxday ayaa gaaray maxkamadda degmada Warsheekh, waxaana dhacay falkan naxdinta leh oo keenay inuu toogasho ku dilo haweeneydan.

Ninka dilka geysatay oo lagu magacaabo Yuubow Cali ayaa baxsaday, waxaana degmada Warsheekh ka socda dadaal lagu doonayo in lagu soo qabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON