Wednesday, June 25, 2025

Hooyo iyo Caruur ay dhashay oo ku Geeriyooday Doon ku Gadoontay Webiga Shabeelle

Hooyo iyo caruurteeda ayaa ku geeriyooday Doon ay saarnaayeen dad shacab ah oo ku qalibantay Webiga Shabelle ee Gobolka Sh/hoose.

Doontan ayaa ka baxday degmada Afgooye iyadoo ku socotay qaar ka mida tuulooyinka Gobolka Sh/hoose waxaana shilku qabsaday meel u dhow degaanka Bariire oo lagu magacaabo tuulada Daanyeerey, kadib markii ay gadoontay, taasoo ay ugu wacneyd dad iyo Raashin badan oo saarnaa.

Waxaa la xaqijyey inay doonta rogmatay ku dhinteen 6 qof oo ahaa hooyo iyo caruurteed iyadoo dad kale ay ka badbaadeen markii ay webiga ka soo dabaasheen, waxaana maqan dhowr qof, sida ay sheegeen dadkii kasoo badbaaday shilka Doonta.

Maamulka Gobolka SH/hoose ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay, iyadoo la baarayo sababtii keentay in dadkan ay raacaan Doonta iyadoo degaanada ay u socdeen ku dhow yihiin Afgooye, isla markaana ay heli kareen baabuur BL ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON