Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada Nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA.
Horjoogaha la qabtay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubno Alshabaab ah oo hore dowladda Federaaalka ay madaxdiisa lacag u dul saartay, waxaana lagu qabtay howlgal ay NISA ka fulisay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, waxaana magacasiisa lagu sheegay Xasan Fanax.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Ciidanka NISA ay qabteen Xasan Fanax, kadib markii la helay xog ku saabsan inuu ku dhuumanayo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir .
Goobjooge.com