Friday, July 18, 2025

Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo Deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween Danyar ah

140 Haween danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo hay’ada gargaarka ee Hormuud (Horumuud Foundation) iyo Salaam Bank ay gaarsiiyeen iyadoo munaasabada lagu qeybinayeen deeqdan oo ka dhacday xarunta dhalinyarada Gabolka Banaadir ay soo qabanqaabisay gudoomiyaha haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab.

Ugu horeyn gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, isku duwihii gargaarka ayaa Hormuud iyo Salaam Bank Foundation uga mahadcelisay deeqda lacageed ee lasoo gaarsiiyay haweenka danta yar, waxayna sheegtay in haweenkan ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii saameyn uu ku yeeshay Covid-19.

Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in haweenkan danta yar ay isugu jiraan kuwa haysta caruur agoon ah, kuwo baahiyaha gaarka ah qaba oo laga soo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka banaadir iyadoo ku tilmaantay Shirkadda Hormuud inay tahay halbowlaha ama udub dhaxaadka haweenka Soomaaliyeed.

Madaxa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Deeqdan ay qeyb ka tahay barnaamij lagu kaalmeynayo dadka danta yar oo in dhowaanahanba ay wadeen, isagoo hoosta ka xariiqay in iyada oo laga duulayo shaqa la’aanta ka dhalatay covid 19 deeqdaan aysoo gaarsiiyeen haweenkan danta ayar
Haweenka danta yar ee maanta loo qeybiyay deeqda lacagta ah ayaa ka mahadceliyay kaalmada maanta ay soo gaarsiiyeen Hormuud Foundation iyo Salaam Bank iyagoo tilmaamay in xiligii ay ubaahnaayeen lasoo gaarsiiyay, iyaga oo hadalo ubadan duco ujeediyay muxsiniintii soo gaarsiisay gargaarka.

Dhinaca kale Cabdullaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in Shirkada Hormuud ay gacan ka geysaneyso dhismaha qeybta labaad ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba xanuunka Covid-19 iyadoo sidoo kale Ambulance ay ku xoojiyeen isbitaalka Martiini oo ah halka lagula tacaalo dadka uu soo rito xanuunka covid 19.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in maalin kasta Hormuud Foundation iyo Salaam Bank Foundation ay ka qeyb qaataan afurinta dad badan oo dan yar ah.

Barnaamijka lagu taakulaynayo dadka danta yar ayaa Hormuud Foundation iyo Salaam Bank waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho iyadoo ay ka faa’iideysteen dad fara badan, waxayna madaxda Hay’ada balan qaadeen in ay sii laba jibaari doonaan wax u qabashada dadka danta yar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON