Dayactirka Isbitaalka Banaadir ayaa waxaa iska kaashanaya Hormuud Foundation iyo Shirkada Dhismaha Buruuj waxaana mashruucan uu dabooli doonaa baahida loo qabo in lahelo isbitaal labaad oo lagula tacaalo dadka qaba ama uu soo rito cudurka Corona Virus.
Agaasimaha isbitaalka banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed oo ugu horeyn kahadashay goobta lagusoo bandhigayay mashruuca ayaa sheegtay in 4 qeybood oo ka mida Isbitaalka dayactirka lagu wado ee loogu tala galay in la dhigo bukaanada la il daran Coronavirus, isla markaana isbitaalka uu ku fadhiyo 1 KM, iyadoo aysan jirin wax saameyn ah oo uu ku yeelan doono qeybaha kale ee Hooyada iyo Dhalaanka.
Madaxa injineerada shirkadda dhismaha buruuj Eng Cumar Maxamed Maxamuud (Aftooje) ayaa sheegay in mudo kooban ay kusoo gabagabeen doonaan dayactirka isbitaalka banaadir qeybta loogu tala galay bukaanada qaba COVID-19 isla markaana ay u qalabeyn doonaan qaab casri ah.
Madaxa hormuud foundation Cabdullahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in mashruucan uu qayb ka yahay kaalinta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka iyo la-tacaalida cudurka Coronavirus waxaana uu hoosta ka xariiqay in Shirkada Hormuud ay lacago fara badan ku bixineyso la-tacaalida cudurka iyo wax ka qabashadiisa saameynta bulshada uu ku leeyahay.
C/llaahi Nuur Cusmaan ayaa sheegay in dayactirka uu xowli ku socdo, ayna rajo badan ka qabaan inay dhaqso u soo dhammaado iyadoo ay ku baxeyso lacag dhan 500-ku Doolar.
Xubno katirsan Ururada bulshada, Haweenka Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Baarlamaanka Somalia oo iyana goobta kahadlay ayaa ku amaanay shirkadda isgaarsiinta hormuud kaalinta ay kaga jirto bulshada iyo sida mar waliba madaxdeeda ay ugu heelan yihiin kaqeyb qaadashada gurmadka dadka Soomaaliyeed
Kororka ku yimid dadka uusoo ridanayo cudurka COVID-19 ayaa keentay in ay timaado baahi loo qabo isbitaal labaad oo la jiifiyo bukaanada cudurka uu soo rito waxaana Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ay dhabarka u ridatay bixinta qarashaadka ku baxaya dhisida iyo dayactirka goobahaasi labaad iyo qalabeynteeda halka shirkada dhismaha buruuj ay door weyn kaciyaarayso fulinta mashruuca.




