Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Cadaado iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa maanta ka bilaabay baaritaan ay ku sameynayaan xaafadaha magaalada oo caasimadda KMGa u ah Maamulka Galmudug kadib markii xalay shaqaaqoyin ka dhaceen halkaasi.
Baaritaanka ayaa lagu baadi goobayaa koox la sheegay inay xalay weerar ku qaaday xarun ay leeyihiin ciidamada oo la sheegay inuu ku sugan yahay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna C/llaahi Xirsi Diirshe (Daacad). Mr. Daacad ayaa dhinaciisa ku adkeysanay inuusan xirneyn.
Waa baaritaankii ugu weynaa ee ka dhaca magaalada Cadaado oo ay ka qeyb qaadayaan dhammaan ciidamada ku sugan Cadaado, waxaana laga dareemayaa xaalad amaan oo adag in la geliyay magaalada arrinta ka dhalatay joogitaanka Prof. Daacad darteed.
Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday xalay xarun ay degan yihiin ciidamada NISA oo warar kala duwan kasoo baxayaan qasaaraha uu geystay weerarkaasi, waxaase la xaqiijiyay in askari lagu dhaawacay, kooxdii weerarka qaadayna aya baxsadeen.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]