Howlwadeen ka tirsan shaqaalaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maqribnimadii caawa lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Sabriye ayaa ka tirsanaa howl-wadeennada ka howlgala xarunta Golaha Shacabkam wuxuuna ahaa nin da’ ah. Dilkiisa waxaa ka danbeeyay koox dabley oo rasaas ku furtay kadib markii uu kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaadii Maqrib.
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida howl-wadeenka. oghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa sheegay in isagoo ku hadlaya magaca Guddoonka Golaha Shacabka, iyo Xildhibaannada Baarlamaanka wuxuu tacsi u diray ehellada, carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Salaad Maxamed Sabriye.
Falkan ayaa ka mida khaarijin lagu beegsado madaxda iyo shaqaalaha dowladda oo intooda badan ay sheegato kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com