Sunday, July 20, 2025

Idaacadda Shabeelle oo qarxisay Dagaal warbaahineed ka dhan ah Taliyihii hore ee NISA (Dhageyso)

Idaacadda Shabeelle ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ee Shabeelle ayaa qarxisay  dagaal warbaahineed cusub oo ay lid ku ah Taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Tuuryare, haddana ah la-taliyaha Wasiirka Amniga.

Idaacaddan oo hore dagaal warbaahineedyo waaweyn ugu qaaday mas’uuliyiin kala duwan ayaa hadda kicisay doodan oo salka ku heysa Guri dowladda ay leedahay oo Idaacadaasi hore laga saaray sanadkii 2013.

Idaacadda Shabeelle ayaa baahisay cod ay sheegtay inuu yahay kan Tuuryare oo u hanjabay maamulka idaacadda, kaasoo dhex maraya Milkiilaha Shabeelle C/maalik Yuusuf iyo Tuuryare, kadib markii ay baahisay warar is daba joog ah oo lagu weerarayo Tuuryare iyadoo lagu sheegay inuu adeer u yahay Xasan Sheekh isla markaana la dejiyay Guri laga saaray Idaacadda.

Wararka Idaacaddu baahiso ayaa waxaa ku dhex jira ugu yaraan ilaa saddex war oo lagu weerarayo Taliyihii hore ee NISA. waxayna arrintan ka mid tahay hab dhaqanka idaacadda oo muddo dheer ku shaqeysa qaab ka duwan warbaahinta kale.

DHAGEYSO HADALKA DHEX MARAY C/MAALIK YUUSUF & TUURYARE

 

DHAGEYSO BARNAAMIJ OLOLE AH IDAACADDA SHABEELLE KA SAMEYSAY TUURYARE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON