Friday, July 18, 2025

IGAD iyo Beesha Caalamka oo madaxweynaha u sheegay inuu la heshiiyo Ra’iisal wasaaraha

Wakiilada ka socday Beesha Caalamka iyo dalalka IGAD ee ka qeybgalaya shirka Hiigsiga cusub ee magaalada Copenhagen ayaa siyaabo kala gaara ugu sheegay madaxweynaha in la heshiiyo Ra’iisal wasaarihiisa isla markaana soo gabagabeeyo khilaafka hareeyay xukuumadda, Baarlamaanka iyo dowladda Soomaaliya.

Madxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha
Madxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha

Wasiirada arrimaha dibadda IGAD ee ku sugnaa shirka ayaa kulan ay la qaateen  madaxweyne Xasan Sheekh ugu sheegay inay kula talinayaan in la soo afjaro is mariwaaga ka taagan Muqdisho, isla markaana dib loo soo celiyo wada shaqeyntii xukuumadda iyo madaxtooyada, waxayna si cad ugu sheegeen in mowqifka IGAD uu yahay kan beesha caalamka ee ah inaan xilligan loo baahneyn ridista xukuumada.

Wasiirka arrimaha dibadda Denkmark iyo wakiilada kale ee Beesha caalamka ka socday ayaa sidoo kale gaarsiyay madaxweynaha inuu keeno xal aan ahayn in la rido xukuumada C/weli waxayna si cad ugu sheegeen inaysan raali ka ahayn waqti kale oo lagu lumiyo dhisme xukuumada cusub iyo ra’iisal wasaare kale.

Madaxweynaha  ayaa labadii shirka ku adkeystay in Hay’adaha sharciga dowladda Soomaaliya ay  khilaafka jira xalin doonaan, isla markaana aanay ka suuragal ahayn dhinaciisa inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha hadda xilka haya.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON