Urur Goboleedka IGAD ayaa waqti u qabtay dhismaha Golaha wakiilada Maamulka Koonfur Galbeed ee Somaaliya, iyagoo odayaasha dhaqanka ee maamulkaasi si toos ah ugu yeeriyay sida laga doonayo inay u dhaqmaan marka ay soo xulayaan xubnaha ka mid noqonaya Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Wafdi uu hogaaminayo Gen. Gabre oo ka socda IGAD ayaa magaalada Baydhaba kula kulmay Odayaasha dhqanka iyo Shariif Xasan ayaa u yeeriyay qorshaha soo socda:
- Seminaar loo qabanayo odayaasha dhaqanka saddexda Gobolka Golaha ay leeyihiin ee ka kooban 41 xubnood.
- Macalimiinta in laga keenayo Nairobi
- In xildhibaanada la soo xulayo aysan noqon wadaado ama xubno lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Alshabaab
- In ka hor 15-ka September lagu soo dhameeyo xulista xildhibaanada Koonfur Galbeed
- In 15-17 September la isu keeno xildhibaanada laguna qabto shirarka ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub
- In 20 September la dhaariyo xildhibaanada Koonfur galbeed, isla markaana uu doorto guddoomiy KMG.
Liiska amarrada IGAD ayaa la sheegay inay ka fuli doonaan Baydhaba, iyadoo seminaarka loo furayo Odayaasha dhaqanka uu furmi doono.
Tirada xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa loo qoondeeyay inay gaarto 105 xubnood oo 95 xildhibaan oo ka mida laga soo xulayo degmooyinka, halka 10 xildhibaan la siiyay Shariif Xasan Sheekh Aadan si loogu qanciyo beelaha aan odayaasha rasmiga ah ku lahayn saddexda gobol ee Sh/hoose, Baay iyo Bakool.
Waxaa muuqata in doorkii dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha gudaha gebi ahaanba maqan yahay iyadoo ay bedeshay IGAD oo uu qabqable u yahay Jeneraalka arrimaha Soomaaliya ku dhex milmay ee Itoobiyaanka ah Gen. Gabre.
<strong>Dhageyso Afhayeenka Koonfur Galbeed</strong>