Sunday, June 22, 2025
HomeDhaqaalahaGanacsigaIibinta Buugaagta cusub ee Manhajka Dowladda oo isu bedelay Ganacsiga ugu weyn...

Iibinta Buugaagta cusub ee Manhajka Dowladda oo isu bedelay Ganacsiga ugu weyn Koonfurta Somaliya (Warbixin)

-

- Advertisement -

Iibka Buugaagta manhajka cusub ee dowladda Soomaaliya ayaa sanad dugsiyeedka cusub ee 2020/2021 noqday ganacsi aad u weyn oo xaami ka noqday bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kadib markii dowladda Soomaaliya dhaqan gelisay manhajkan.

Ganacsigan malaayiinta Doolar ku kacaya ayaa loo xiray shirkadda gaarka loo leeyahay ee Daabacaadda Beder oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho, iyadoo qaabka heshiiskan lagu siiyey aanu kala caddeyn, balse uu ku koobnaa Wasiirkii hore ee waxbarasada C/raxmaan oo dhaqan gelin waayey Manhajka intiisa badan, balse waxaa la wareegay Wasiirka Waxbarashada ee hadda xilka sii haya C/llaahi Goodax Barre.

- Advertisement -

Goobjooge.net waxay ogaatay in Heshiiska lagu bixiyey daabacadda Manhajka Dowladda aan wax tartan ah loo gelin, isla markaana sicirka lagu iibinayo uu ahaa mid ay isla garteen labada dhinac. Ganacsatada leh Madbacadda Beder (Beder Printing) ayaa dadaal iyo galaangal ay la galeen madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku guuleystay in ganacsigan faa’iidada badan loo xiro.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada oo ku saabsan qaabka buugaagtan u heli karaan ardayda marka laga reebo inuu Wasiiir Goodax warbaahinta ka sheegay in ardayda saboolka ah la siinayo Buugaagta iyo in Buuggii lagu iibinayo $2.

Dowladda Soomaaliya ayaa September 2018 buugaagtan u qeybisay 24 dugsi oo ay la wareegtay, halkaasoo uu manhajkan cusub ka daah furay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa cusub in dugsiyada Dhexe iyo Sare ay sanadkan waajib uga dhigtay Wasaaradda inay dhaqan geliyaan.

Markii uu furmay sanad dugsiyeedka cusub oo ay dowladda waajib ka dhigtay in Manhajka cusub lagu dhigo Dugsiyada Hoose ilaa Sare waxaa lagu yaacay Buugaagtii cusbeyd ee Manhajka dowladda, waxayna Shirkaddii daabacday ee Beder u dejisay qiimahan soo socda:

Waxaa shaxda kore ka cad in ardaygii dhigta Dugsiga Sare uu buugaagtiisa oo dhan ku iibsan karo ($30) buugiina uu ku qiimeysan yahay $2.5, qiimahaas oo ka badan midkii uu shaaciyey Wasiir Goodax ee ahaa $2. Intaas oo kaliya maahee waxaa soo shaac baxday in qiimihii uu gaaray $3.5 ilaa $4.

Waxaa gebi ahaan la daabicin oo la waayey Buugga ‘Business’-ka ee dugsiyada sare, waxaa kaloo aan la helin maadadda ‘History’ ee English-ka ku qoran, iyadoo ay suuqa ku yaraadeen Buugaagta dugsiyada Sare oo qiime sare la iibinayo, halkii arday wuxuu buugaagta ku heli karaa $40 iyo ka badan.

Shirkadda Buugaagta daabacday ayaa soo bandhigtay qiime dhimis ay ku sameysay buugaagta Dugsiyada Sare muddo 10 maalmood ah, iyadoo ku iibineysa $24, laakiin arrintaas ayaa shaqeyn weyday.

Buugaagtan ayaa lagu daabacaa dalka dibadiisa, waxaana dalka loo keenaa sida badeeco oo kale iyagoo ku jira Konteenarro, iyadoo kharashka daabaacadda aanu gelin gudaha dalka, halka dowladii hore ay Manhajka ku daabici jirtay Madbacadii Qaranka, ardayduna si bilaash ah loo siin jiray.

Qaar ka mida maamulayaasha iyo Waalidiinta ayaa noo sheegay inaysan Ardaydu awoodin iibsiga Buugaagtan cusub, siiba kuwa Dugsiyada Sare, taas bedelkeedna ay bilaabeen inay Sabuurada u saaran ardayda casharrada oo halkaas kasii qortaan.

LA SOCO WARBIXINNO KU SAABSAN KA GANACSIGA MANHAJKA DOWLADDA