Tuesday, June 24, 2025

Imaam Muslim ah iyo kaaliyihiisa oo toogasho lagu dilay Magaalada New Yok [SAWIRRO]

Imaam Masjid  iyo kaaliyihiisa  ayaa lagu dilay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii qof hubeysan uu madaxa ka toogtay.

Imaamka oo lagu magacaabo Maulama Akonjee ahna 55 sano jir, iyo kaaliyihiisa Thara Uddin oo 64 jir ahaa, ayaa qofka toogtay gadaal uga yimid isagoo xabad afsaarah madaxa iyo xabadka kala dhacay, waxaana ay ku dhinteen Isbitaalka oo loola cararay.

Imaamka ayaa salkiisa ka soo jeeda dalka Bangladesh, waxayna xirnaayeen labadaba dhar diini ah, iyadoo ku socday guryahooda markii ay ka soo laabteen salaadii maqribka.

Booliska magaalada New York, ayaan cidna u qaban falkan, waxaana socda baaritaan ku saabsan falkan oo argagax ku abuurtay dadka muslimka ah ee Mareykanka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Booliska ay baarayaan qof la sheegay inuu goobta falka ka dhacay  ka baxsaday daqiiqado kadib weerarka oo qori ku hubeysnaa.

Jaaliyadda Bangladesh ee magaalada New York ayaa isugu soo baxay goobta falku ka dhacay iyagoo ku u murugoonaya imaamka la dilay oo laba sano ka hor u guuray Mareykanka.

DAAWO SAWIRRO

Imam

Imam1

Ny

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON