Friday, June 27, 2025

Imaamka hogaamin doona Janaasada Maxamed Cali oo la shaaciyay

Feeryahanka geeriyooday ee Mareykanka muslimka ahaa Maxamed Cali ayaa la sheegay inuu hore u qorsheeyay qaabka aaskiisa loo sameyn lahaa isagoo qorsheeyay in aasku noqdo mid furan oo laga wada qeyb galo sida uu sheegay afhayeenka reerka Bob Gunnell.
Aaska oo dhan ayaa la sheegay inuu ku dhici doono sida diinta islaamku qabto, waxaana la shaaciyay in janaasada Maxamed Cali uu horkici doono Imaam Zaid Shakir oo ah sheekh caana isla markaana aasaasay kulliyadda Zaytuna, Berkeley ee California.
Janaasada Maxamed Cali ayaa lagula tulan doonaa Khamiista Fagaaraha Freedom Louisville oo ah meeshii uu Feeryahanka ku galay ciyaartii feerka ee ugu dambeysay.
Imaam Zaid ayaa isna sheegay in qofka muslimka ah si loo aaso marka hore ay tahay in lagu tukudo, oo haddii aaanay taasi dhicin dadka oo dhami dembi ku noqoneyso.
Aaska Feeryahanka caanka ahaa ee Maxamed Cali waxaa ka qeyb gelin doona madax fara badan oo caalamka isaga imaanaya, waxaana ka mida madaxweynaha Turkiga, Boqorka Urdun, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton.
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON