Imaamka weyn Xaramka Barakeysan Sheekh C/raxmaan As-sudais ayaa muran weyn iyo dood ka dhaliyay baraha bulshada ku xiriirto dadka Carabta, kadib markii ammaan u jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sheekh Sudais oo magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galaya shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda isku xirka Islaamka ayaa war kooban oo uu siiyay Telefishanka Alakhbaria ee Sacuudiga ka sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu dunida ku hoggaaminayo nabad iyo barwaaqo.
“Mareykanka iyo Sacuudiga oo ay hoggaaminayaan u adeegaha labada Xaram iyo madaxweynaha Mareykanka waxay Alle mahadii dunida iyo bani’aadamka ku hoggaaminayaan nabad, xasilooni iyo barwaaqo..” ayuu yiri Imaamka Xaramka ee caanka ah.
Arrintan ayaa kumanaan dad ah ay baraha bulshada ku naqdiyeen, iyagoo Sheekha ku tilmaamay inuu ku gefay darajadiisii, waxayna xusuusiyeen wixii uu Mareykanka ka sameeyay dalalka Ciraaq, Afghanistan, Soomaaliya iyo dalalka kale ee uu ku duulay iyo dagaalka Sacuudigu ka wado dalka Yeman.
Dadka arrintan ka fal celinaya ayaa barta twitter-ka ka sameeyay hal-kudheg ay ugu magac dareen: #تصريح_السديس_لا_يمثلني
فيديو | السديس: مؤتمر #أمريكا والعالم الإسلامي يأتي في ظروف نحتاج فيها إلى مكافحة #الإرهاب والتطرف. #الإخبارية #معا_ضد_الارهاب_والفكر_الضال pic.twitter.com/cd18QdasS0
— قناة الإخبارية (@alekhbariyatv) September 16, 2017