Sunday, July 13, 2025

Imaaraadka Carabta oo Askar looga dilay dagaalka Magaalada Xudeyda ee dalka Yeman [Akhriso]

Taliska ciidamada Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey in afar askari oo ka tirsan ciidamada dalkaasi lagu dilay dagaalka ay maanta qaadeen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka oo gacan siinaya ciidamada dowladda Yeman.

Dagaalkan ayaa ka bilowday Magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Yeman oo ah magaalada dekadda leh ee Xudeyda, waxayna ciidamada Imaaraadka ka mid ahaayeen howlgalka lagu doonayo in dib loogu qabsado  magaalada dekadda leh ee Xudeyda oo gacanta ku hayaan kooxda Xuuthiyiinta.

Afarta askari ee Imaaraadka laga dilay ayay magacyadooda shaaciyey wakaalada wararka ee Yeman, waxayna kala yihiin: Khalifa Saif Said al-Khatri, Ali Mohammed Rashed al-Hassani,  Khamis Abdullah Khamis al-Zayudi iyo Obeid Hamdan Said al-Abdouli.

Qasaarihii ugu weynaa ee ciidamada Imaaraadka kasoo gaaray dagaalka Yeman ayaa dhacay bishii September 2015 oo 45 askari oo Imaaraad ah ay ku dhinteen markii gantaal ku dhacay bakhaar rasaas ku jirtay oo ay ka dhowaayeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON