Imaaraadka Carabta ayaa Doomaha dheereeya ee ciidamada Badda adeegsadaan ugu deeqday ciidamada Badda Soomaaliya. Wasiirka amniga gudaha Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha ciidanka booliska Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu wareejiyay Doomahaasi oo loogu talogalay ciidamada Badda Soomaaliya.
Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa dib u dhis ku socdaa iyadoo hore Doomo noocan oo kale ugu deeqay Turkiga, waxayna Imaaraadak Carabta noqoneysaa dowladii labaad ee taageerta ciidamada badda Soomaaliya oo qaabilsan difaaca xeebaha.
Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Cusmani ayaa sheegay inay garab taagan yihiin caawinta dowladda iyo ciidamada iyadoo Doomaha ay qeyb ka yihiin qorshaha lagu tayaynayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka.
Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska ayaa uga mahadceliyay deeqda milateri ee baahida weyn loo qabay, isagoo ka rajeeyay dowladad Imaaraadka inay taageero inaan ka badan u fidiso.
Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliyeed oo arrintan ay quseysay ayaa goobta wareejinta Doomahad dheereeya kasoo xaadirin iyadoo xurguf ay dhexmaray taliyaha iyo safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya.
Goobjooge.com