Tuesday, June 24, 2025

Imaaraadka Carabta oo ergay u dirtay Dalka Qatar iyo xiriirkii ugu horeeyay dhex maray labada Dal

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa yeeshay kulankoodii ugu horeeyay ee rasmi ah, kadib colaad weyn oo ka dhex aloosneyd muddo 4 sano ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa wadahadal magaalada Doha kula yeeshay amiirka dalka Qatar, isagoo wakiil ka ah hoggaamiyaha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Sayid, arrintan oo qeyb ka ah dadaallo loogu jiro in la soo afjaro khilaafkii khaliijka.

La -taliyaha Amniga Qaranka ee dalka Imaraadka Sheikh Tahnoun bin Zayed Al Nahyan, oo ay walaalo yihiin hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, ayaa la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thani, sida ay shaaciyeen xafiiska amiirka Qatar iyo wakaaladda wararka ee Imaaraadka.

Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa isku raacay in la soo afjaro khilaafkii ay xiriirka ugu jareen dalka Qatar bartamihii 2017-kii, kuna soo rogeen xayiraad dhinac dhulka, badda iyo cirka ah.

Sacuudiga iyo Masar ayaa heshiis buuxa la galay dalka Qatar , iyagoo magacaabay safiiro tegay magaalada Doha, laakiin Imaaraadka ayaa ka cago jiidayey inuu dib usoo celiyo xiriirkii dalka Qatar oo cadaawad ba’an dhex taallay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON