Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ciidamadeeda kala baxday jasiirada Socotra ee dalka Yeman, kuna taalla Badda Cas oo si weyn ugu dhow Soomaaliya, halkaasoo si lama filaan ah u qabsadeen horaantii Bishan May 2018.
Dowladda Yeman ayaa si weyn uga biyo diiday ciidamada Imaaradka iyo hubkooda ee degay jasiirada, waxaana khilaafka ka dhashay arrintan oo muddo socday soo farageliyay Boqortooyada Sacuudiga waanwaan ka dhex dhalisay iyadoo ciidamo Sacuudiga ka socda la geeyay halkaasi, waxaana ugu danbeyn shalay isaga baxay ciidamadii Imaaraadka.
Jaziirada istiraatijiga ah ee Socotra ayey ciidamada Imaaraadku galeen iyagoo aan wax xiriir ah kala sameyn dowladda Sharciga ah ee dalka Yeman, waxayna Garoonka jasiirada ku xayireen Ra’iisal wasaaraha Yeman Axmed Bin Daqr iyo wafdi la socday, taasoo dhalisaay diidmo iyo cabasho balaaran oo dowladda iyo dadka Yeman kala hor tageen damaca Imaaraadka.