Dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta shan qof oo dhaawac ah u dhoofiyay dalka Kenya si halkaasi loogu soo daweeyo.
Safiirka Imaaraadka u fadhiya Muqdisho iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada caafimaadka iyo arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay dhoofinta dhaawacyadaasi oo laga qaaday isbitaalka Sheekh Zayid ee Imaaraaka oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dowladda Imaaraadka oo balaqaaday inay daweyn u qaadeyso 100 ka mid dhaawacyadii Qarixii Soope ayaa kaliya waxay qaaday 5 dhaawac oo ahaa kuwiu ugu horeeyay, waxaana dhaawacyadii kale kala qaaday dowladaha Turkiga iyo Qatar.